Al-shabaab oo Xukun dil ah ku Fuliyay Nin ay ku Sheegeen in uu ahaa Basaas

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka soomaliya ayaa ku waramaya in Maamulka al-shabaab ee Gobolkaas ay xukun dil ay ka fuliyeen nin ay ku sheegeen in uu la shaqeyn jirey ciidamada amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Fagaare kuyaal deegaanka Ceel-warre ee gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay nin magaciisa lagu sheegay Barre Xasan Dhoorre oo 48 sana jir ahaa kaasi oo lagu eedeeyay in uu basaasayay ciidamada al-shabaab  iyo hubka ay ku dagaallamaan.

Ugu Horeyntii Sheekh Max’med Mire Gudoomiyaha Hiiraan ee al-shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in nikaan lagu helay fal basaasnimo ah sidaas darteed ay go’aaansadeen in ay ku fuliyaan xukun dil oo ah waxyaabaha al-shabaab kaga dagan cidii lagu helo arimahaan oo kale.

Deeganada ay al-shabaab ka arimiyaan waxaa ka dhaca xukun lagu fuliyo dadka lagu heli in ay kamid yihiin dowlada soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here