Laacibka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa ka hadlay macquul ahaanshaha in uu u dhaqaaqo horyaalka dalka France gaar ahaan kooxda Paris Saint-Germain.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka waxaa xiiso u qaba kooxo badan oo ka ciyaara qaarada yurub waxaana kamid kooxda difaacanaysa horyaalka dalka France ee Paris Saint-Germain iyo kooxda Magaalada Madird ka dhisan ee Real Madrid.
Kooxda Chelsea oo xili ciyaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka dalka Ingiriskka waxa ay sanadkaan ku jirtaa kaalinta 12-aad waana mid kamid ah waxyaabaha keenaya in xidigo kamid ah kooxda Chelsea ay ka dhaqaaqaan kooxda si ay u helaan xili ciyaareedka dambe koobka Champions League.
Kaptanka ku xigeenka xulka dalka Belgium-ka Eden Hazard ayaa si cad u sheegay in uusan diidi laheyn ku biirista kooxda dalka France ee Paris Saint-Germain.

