Al-shabaab oo lagu eedeeyay Askareynta Caruur Agoomo ah

0

Laamaha dalka Kenya ayaa Xarakada al-shabaab waxa ay ku  eedeeyeen  askareynta caruur da’dooda u dhaxeyso 3-sano ilaa iyo 15-sano oo  U badan agoomo ku nool  Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Mas’uuliyiin  u hadashay Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in Gudaha dalka Kenya sanadkaan Gudihiisa lagu qabtay  rag  la xiriirinaayo in ay ka Tirsanaayeen xarakada al-shabaab kuwaasi oo iskuulada dalkaas tababar ku siinayay ardeyda agoomada ah.

Booliska dalka Kenya waxay gacanta ku dhigeen Idris Sadalla Iddi, Mohamed Ahmed Fadhili, Issa Noor Abdullahi an iyo Abdulhafidhi Issa Faraj. Kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen kuwa caruurta tababarka siinayay.

Dhanka kale Saraakiisha booliska dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay al-shabaab caruurtaan yar yarka ay u balan qaadeen In ay siin doonaan Lacago. Baabuur. Iyo xaasas si ay nolol wanaagsan u helaan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here