Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Cumaan Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) oo ay wehliso La taliyaha Arrimaha Qunsuliyadda Safaaradda Marwo Xamsa Cabdiqaadir ayaa maanta booqday tiro maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xukuman dambi la xiriiro Burcad Badeednimo kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Zama’il ee Dalka Cuman.
Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa u kuurgalay xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista Soomaaliyeed oo ku xukuman dambi la xiriiro Burcad Badeednimo kuwaasi oo ku xiran Xabsiga Dhexe ee Magaalada Zama’il isagoona kala sheegaystay xaaladaha Noloshada iyo hadii ay jiraan waxyaabo ay xiligaan la dhibaatoonayaan.
Booqashada kadib Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Cumaan Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa kulan la qaatay taliyaha Xabsiga Dhexe ee Zamai’l G/Sare Cabdullahi Bin Maxamed Al-Maxrasi, isagoona kala hadlay sidii maxaabista soomaliyeed ee xabsiga ku xiran ay u heli lahaayeen waxbarasho madaama ay ku xukuman yihiin Xabsi Dheer. oo la xariira Burcad badeednimo.
Dhanka kale G/Sare Cabdullahi Bin Maxamed Al-Maxrasi, ayaa safiirka u balan qaaday in dhalinyaro soomaliyeed ee ku xiran xabsiga dalkaas ay heli doonaan waxbarasho lagu bixiyo Gudaha xabsiyada.
Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Zamai’l G/Sare Cabdullahi Bin Maxamed Al-Maxrasi ayaa Safiirka ku amaanay qaabka uu mar walba ula socdaan xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabista soomaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Cumaan.

