Dhageyso:-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo ka jawaabay Hadal kasoo yeeray Garyaqaanka Guud ee Dalka

0

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane  Ceydiid Ilka-xanaf oo maanta shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka Hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Garyaqaanka Guud ee Dalka Cismaan Cilmi Guuleed, ee ahaa in aan Go’aan rasmi ah laga gaarin cida  sida Ramsiga u ah  Xoghayaha Ururka suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj.

Mudane Ceydiid Ilka-xanaf Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka ayaa Tilmaamay in Maxkamada sare ee dalka aysan dib ugu laaban doonin Go’aankii ahaa in Mudane Cumar Faaruuq uu yahay xoghayaha ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj. kadib markii maxkamada ay aragtay cadeemo.

Waxa uu ku Tilmaamay hadalkii shalay kasoo yeeray Garyaqaanka Guud ee Dalka Cismaan Cilmi Guuleed mid la iska dhahay balse uu cumar Faaruuq uu yahay Xogyahay Ururka Suxufiyiinta qaranka soomaliyeed ee Nusoj.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane  Ceydiid Ilka-xanaf ayaa kusoo beegmaya xili shalay Garyaqaanka Guud ee Dalka Cismaan Cilmi Guuleed, uu  sheegay in aan go’aan laga gaarin cida ah Xoghayaha ururka Nusoj.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here