Dab geystay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo ka kacay Xero ku Taala degmada Wadajir

0

Wararka Naga soo gaaraya degmada wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in xero barakac oo ku taala Gudaha degmadaas uu  ka kacay dab geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Xero  Magaceeda lagu sheegay Rajo ayaa la sheegay in uu duhurnimadii maanta uu ka kacay dab geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad barakacayaal ah oo ku noolaa xerada uu dabka ka kacay sida ay inoo sheegeen dad ku nool degmada wadajir.

Inta la xaqiijiyay Saddex Ruux ayaa ku dhimatay halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen dabka sida ay inoo sheegeen goob-joogayaal ku sugan gudaha degmada wadajir ee Gobolka banaadir.

Dhanka kale Dadka wax ku noqday dabka ka kacay xerada rajo  ayaa la sheegay in ay ahaayeen isku qoys.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here