Taliska Amisom oo ka digay in Al-shabaab ay qaraxyo ku fuliyaan dharka Tuutaha Ciidanka Amisom

0

Taliska ciidanka nabad ilaalinta ee Amisom ayaa ka digay in xarakada Al-shabaab ay doonayaan in weeraro ismiidaamin ah ay ku filiyaan dareeska ama tuutaha ay xirrtaan askarta Amisom .

Sargaal u hadlay Amisom ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dagaal yahanada Al-shabaab ay dhar badan oo tuutaha Amisom ah ay ka qaateen xeradii ceel cadde oo ay 15-kii bishii Janaayo  Al-shabaab la wareegeen.

“Waxaan helnay xog amaba warbixin ku saabsan in Al-shabaab ay uniformka ama tuutaha Amisom ay ku  qaldi rabaan fariisimaha ciidanka dowlada iyo kuwa Amisom si ay qaraxyo ismiidaamin ah ugu fuliyaan  ayaa lagu qoray barta twitterka ee Amisom”.

Al-shgabaab ayaa 15-kii bishii janaayo weerar xoogan ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Kenya ee ka midka ah howlgalka AMISOM kuna yaalay gobolka Geddo.

Weerarkaasi Al-shabaab waxaa ay ku sheegteen in ay ku dileen 100 askari iyagoona sheegtay in dhamaan ay qaateen saanaddii military ee xeradaasi u taalay ciidankii Kenya ee lagala wareegay saldhigii Ceel Cadde.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here