Warbixin uu maanta soo saaray Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka dunida ee Marka lasoo gaabiyo lagu magacaabo(IOM) ayaa sheegay in Labadii bilood aynu soo dhaafnay ay dhinteen qaxooti gaaraya 400-qof oo doonayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean Sea si ay usii gaaraan dalalka Yurub,
Ururka oo maanta oo Talaado warbixin soo saaray ayaa sheegay in ay sii korortay tirada qaxootiga ku dhimanaya badaha kuwaasi oo kasoo cararaya dalalka ay colaadaha ka jiraan sida Syria, ciraaq iyo wadamo kale.
Afhayeenka Ururka IOM Joel Millman, ayaa sheegay In tira gaareysa 70,365 oo qaxooti ah in ay sanadkii 2015 ay gaareen dalka Greece halka dalka Talyaaniga ay gaareen qaxooti gaaraya 5,898-qof.

