Faahfaahin kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

0

Faafaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Qaraxa ayaa lala beegsaday ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Juba-land gaar ahaan ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo watay gadiid noociisa lagu sheegay kuwa dagaalka gaar ahaan cabdi bilaha.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa waxa uu waxyeelo uu kasoo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Juba-land oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 10-askari.

Maamulka Juba-land wali kama uusan hadlin qarax Maanta ka dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here