Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo shalay qudbad ka hor jeediyay mudanayaasha Baarlamanka soomaliya ayaa ka hadlay shilkii diyaaradeed ee todobaadkii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade ee Magaalada Muqdisho ee lala damacsanaa in lagu qarxiyo dyaarada Daallo Air Line.
Mudane Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu Tilmaamay in loo haysto Falkaas shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ku lug-lahaayeen islamarkaan baaritaano ay ku socdaan. Dhawaan lasoo bandhigi doono waxa ay ahaayen dadkaas.
Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa kaga mahadceliyay Laamaha amaanka Garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho qaabkey gacanta ugu dhigeen shaqsiyaadkii ka dambeeyay qaraxa.
Hadalka Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa imaanaya xili Todobaadkii Hore uu qarax ka dhexdhacay diyaarada Daallo Air Line oo kamid ah diyaaradha ka dhex shaqeeya Gudaha dalka soomaliya.

