Duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo la doortay Maanta

0

Waxaa Maanta Magalada Gaakacyo ee Gobolka Mudug lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu dooranayay duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  ee Maamulka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

Munaasabada oo ka dhacday Madaxtooyada Galmudug waxaa kasoo qeyb galay xubno kala duwan  oo ay kamid ahaayeen xildhibaano iyo wasiiro ka Tirsan Maamulka Galmudug.

Waxaa xilka duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug u Tartamayay labada musharax ee kala ah saciid Galdaani iyo xirsi Yuusuf  Barre waxayna codeynta ay aheyd qof iyo cod.

Codeynta Kadib waxaa xilka duqa Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku guuleystay xirsi Yuusuf Barre kadib markii uu codod badan kaga guuleystay musharixii isaga la Tartamayay ee saciid Galdaani.

Sidoo kale waxaa ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ku guuleystay C/raxmaan Maxamed axmed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here