Shirkada Internetka ee Twitter oo Xirtay Accouno ay Isticmaalayeen Ururka Daacish

0

Shirkada Internetka ee Twitter oo dunida inta badan  laga isticmaalo  ayaa Xirtay accouno ay isticmaalayeen kooxda Daacish ee ciraaq iyo Syria ka dagaalanta.

War bixin laga soo saaray isticmaalka baraha Bulshada ayaa lagu sheegay in 125,000-qof oo kamid ah macaamiisha Shirkada Internetka ee Twitter ay yihiin Hogaamiyaal iyo askar ka Tirsan daacish ama dadka Taageero u ah oo la socda xaaladaha kooxda.

Waaxda la socodka arimaha bulshada ayaa sheegtay in Shirkada Internetka ee Twitter ay gabi ahaanba ay ku guuleysatay xirada accounada ay isticmaalayeen Hogaamiyaasha daacish.

Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-ka waxaa sidaan oo kale lagu sheegay in shirkada Fecebook ay kamid tahay  shirkadaha inta badan gay isticmaalaan  kooxaha islaamiyiinta sida daacish.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here