Muwaadin Somaaliyeed oo loo Xukumay Gaari uu Xaday owgeed.

0

Wargeyska malta today ee kasoo baxa Jasiirada malta ayaa qoray in muwaadin soomaaliyeed maanta lagu maxkamadeeyey  magaalada  Munxar ee jasiirada Malta kutaala.

Taliyaha booliska jasiirada malta Bernard Charles Spiteri  ayaa wargeyska malta today waxaa uu u sheegay  in maxkamada dalkaasi ay ku xukuntay muwaadinkaasi soomaaliyeed 2 sano oo xariga iyo in uu bixiyo lacag dhan €2,300 oo pound.

Muwaadinkaan ayaa booliska malta aysan soo bandhigin magaciisa inkastoo da,diisa lagu sheegay in uu jiro 21 sano.

Maxkamada ayaa sidoo kale soo saartay kiis hore oo ku aadan shil gaari oo ninkaan la maxkamadeeyey uu horay u galay.

Dhamaadka sanadkii hore ee 2015 ayaa maxkamada jasiirada malta ay xukuno ku riday muwaadiniin soomaaliyeed oo qaarkood ku eedeysnaa dilal in ay jasiirada ka geysteen.

Source: Malta Today.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here