Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug

0

Wafdi balaaran uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug,

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka Tirsan Maamulka Galmudug iyo ganacsato ka tirsan rugta ganacsiga Soomaaliyeed  iyo sidoo kale ganacsato ka socota dalka Ciraaq oo doonaysa in ay dhisaan dekadda Hobyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula Hadlay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay sidoo ganacsatada ka socota dalka ciraaq ay sahmin ugu sameyn lahaayeen dekadda Hobyo. Ee Gobolka Mudug.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale kulamo la qaatay waxgaradka iyo siyaasiyiinta degmada Hobyo ee Gobolka Mudug arimaha uu kala hadlay ayaa u badnaa dhismaha dekadda Hobyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here