Dowlada wadanka Sacuudiga ayaa shaacisay in ay dhawaan ciidamo ka socda wadankeeda ay u diri doonto wadanka ay colaadaha ka jiraan ee Syria.
War maanta ka soo baxay Boqortooyada sacuudiga ayaa lagu sheegay in dowlada sacuudiga ay ciidamo aad u fara badan ay u direyso wadanka Syria si ay ula dagaalamaan kooxda daacish oo dagaal kula jirta dowlada uu Hogaamiyo bishaar al asad. madaxweynaha Syria.
Diyaarahada dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa duqeymo ka Fuliyay dalka Syria ee bariga dhexe sanadkii 2014-ka gaar ahaan goobo ay ku sugnaayeen xiligaas ciidamada daacish, oo dagaal kala soo horjeeda dowlada Syria.
Mas’uul u hadlay dowlada Sacuudiga oo Lagu magacaabo General Ahmed Asseri ayaa sheegay In dowlada sacuudiga ay qabto kalsooni ah in ay fulin karto weeraro dhanka cirka ah oo laga Fuliyo gudaha dalka Syria.

