Ciidamada Dowlada Soomaliya oo isaga Baxay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka caawa naga soo gaaraya deegankada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya ay ka baxeen Magaalada Marka ee Gobolka shebeelaha Hoose.

Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose wararka caawa laga helayo ayaa ku waramaya in ciidamadii ka Tirsanaa kuwa dowlada soomaliya ay ka baxeen Magaaladaas iyadoo aan la ogeyn sabaha keenay in ay ka baxaan magaalada Marka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga, ay markii  hore isaga baxeen Magaalada Marka , iyadoo daqiiqado ka dib isla Maanta ay magaalada ka baxeen  ciidamada booliska dowlada soomaliya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada.

Dhanka kale ciidamada Midowga Africa ee amisom  ee ku sugan magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in kaliyah ay ku sugan Yihiin Magaalada.

Ilaa hada ka ma jirto saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya ama Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose oo ka hadlay arintaan ka bixitaanka ciidamada dowlada soomaliya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here