Laamaha Amaanka Gobolka Banaadir oo ka Hadlay Qarax Xalay ka dhacay degmada Xamar jajab

0

Laamaha amaanka Gobolka Banaadir ayaa Faah-faahin ka bixiyay  qarax xoogan oo  xalay ka dhacay Gudaha degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa in lagu qaarijiyo nin u shaqeynayay mid kamid ah Hay’ada samafalka ka shaqeeya ee ka Howgalka Gudaha Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab),  waxa uu sheegay in shaqsi lagu magacaabo Xasan shire qaraxa lala damacsanaa in lagu qaarijiyo isagoona hadalkiisa ku daray in qaraxa uu gaarigiisa ku xirnaa balse uusan wax ku noqonin Mas’uulka lala damacsanaa qaraxa,

Dhanka kale Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, waxa uu tilmaamay in aysan jirin cid wax u noqotay qaraxa oo shacabka degmada xamar jajab kamid ahaa isagoo qaraxa mas’uuliyadiisa dusha ugu tuuray al-shabaab.

Xalay ayay aheyd markii qarax xoogan oo gaari lagu soo xiray  laga Maqlay gudaha xamar jajab ee Gobolka Banaadir inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay qaraxa ka dhacay degmada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here