Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari oo beeniyay in uu Mas’uul ka yahay Rabshadihii ka dhacay Boosaaso.

0

Kadib markii Labadii maalin aynu soo dhaafnay rabshado ay ka dhaceen Gudaha Magaalada Boosaaso  ee Gobolka Bari waxaa arintaas ka hadlay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

C/samad Maxamed Galan Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari  Maamulka Puntland  oo warbaahinta la Hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya In uu isaga Mas’uul ka yahay rabshadaha ka dhacay Gudaha Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari.

Mudane C/samad Maxamed Galan ayaa tilmaamay  in ay wararkaas yihiin kuwa been abuur ah uusan isaga mas’uul ka aheyn banaanbaxyadii ka dhacay Gudaha Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari labadii maalin aynu soo dhaafnay.

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Mudane C/samad Maxamed Galan ayaa dhanka kale ka hadlay warka ku aadan in ay ku raadjoogaan laamaha amaanka Magaalada boosaaso madaama isaga lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa banaanbaxyada ka dhacay Magaalada boosaaso.

Waxa uu sheegay C/samad Maxamed Galan  in aysan jirin cid isaga si toos ah ugu raad joogto haatana uu ku sugan Gudaha  Magaalada Booosaaso ee Gobolka.

Dhanka kale wararka saakay naga soo gaaraya Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in Gudaha Magaaladaas uu ka socdo Howlgal ay sameynayaan ciidamada amaanka Maamulka Puntland kadib markii xalay Gudaha Magaaladaas lagu dilay ninka ganacsade ahaa oo aad loogu yaqaanay Gudaha Magaalada boosaaso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here