Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Maamulka Soomali-land in ay lacago sharci daro ah ka qaadaan dadka soomaliyeed ee kasoo jeeda Koonfurta soomaliya marka ay tagaan deeganada Maamulka Soomali-land,
General C/laahi Gaafow Maxamuud waxa uu arintaan ku tilmaamay mid sharci daro ah isagoona ugu baaqay Mas’uuliyiinta Soomali-land in ay wax ka qabtaan arinta lacagaha sharcidara ah ee laga qaado dadka kasoo jeeda koonfurta soomaliya ee taga magaalada Hargeysa. iyo magaalooyinka kale ee deeganada Maamulka soomali-land.
Dhanka kale Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud waxa uu sheegay in ay xiriirka u jari doonaan Maamulka soomali-land hadii ay sii wadaan qaadista lacagaha sharcidarada ah ee laga qaado dadka Taga deeganada Maamulka Soomali-land,
Maamulka soomali-land ayaa Horey u beeniyay war soo baxay dowlada soomaliya oo ku aadanaa in dowlada soomaliya ay xafiis laga bixiyo pasapoorada ay ka Furan doonto Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka soomali-land.

