Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kormeeray qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka soomaliya. ee Gobolka Galgaduud,
Kormeerka Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxaa ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) iyo xubno kale oo ka Tirsan Maamulka Galmudug,
Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka soomaliye korneel C/laahi Aadan Xuseen “Cirro” ayaa madaxweynaha Maamulka Galmudug kaga warbixiyay xaaladaha ay xiligaan ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka soomaliyeed ee ku sugan qeybta 21-aad.
Dhanka kale Madaxwaynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaliyeed ay la kaashan doonaan ka maamul ahaan waxyaabo badan isagoona xusay in dhawaan goobahaas ay gaari doonaan saraakiil ka Tirsan ciidamada xoogga dalka soomaliyeed,












