Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay kasoo qeyb galeen shir madaxeedka Midowga Africa ee lagu qabtay dalka Ethopia
Waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Gudoomiyaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.
Madaxweynaha soomaliya intuu ku sugnaa Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia waxa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin uu kamid yahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon. Oo ka qeyb galay shir madaxeed midowga Africa ee dalka Ethopia lagu soo gaba-gabeeyay,
Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa shirka ururka Midowga ka jeediyay qudbad dhinacyada taabaneysay uu kaga hadlaayay xaaladaha ka jirta soomaliya dhanka amniga, siyaadasada iyo hormarka,

