Warar hoose oo ay helayso Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegaya in RW Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu ku wajahanyahay Magaalada garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland halkaasi oo uu kulamo maslaxayn ah kula yeelanayo madaxda Maamulka Puntland oo iyagu ka carooday go’aankii kasoo baxay shirkii muqdisho kusoo idlaaday ee looga hadlayey arimaha la xariira doorashooyinka dalka ka dhacaya qaabka ay noqonayaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda iyo beesha Caalamka Cumar C/rashiid ay u wakiisheen soo qancinta Maamulka Puntland oo ka xumaaday go’aan uusan ku qanacsaneyn oo laga qaatay doorashada dalka Soomaaliya.
Wafdiga RW Cumar C/rashiid ayaa waxaa ka mid ah Xubno ka Socda Xafiiska QM ee Soomaaliya kuwaasi oo iyana RW ku gacan siinaya in Maamulka Puntland laga dhaadhiciyo go’aanka laga qaatay doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan 2016.
Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa sheegay dhawaan inuusan qayb ka ahayn islamarkaana uu puntland qaadacsanyahay qodobadii kasoo baxay shirkii wada tashiga aayaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Shalayna waxaa ka dhacay deegaanada Puntland kulamo iyo wal;iba dibad baxyo lagu taageeraayo go’aanka Puntland uu ka qaatay doorashooyinka dalka go’aanka laga gaaray.

