Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in uu xili ciyaareedkaan u udhaqaaqayo kooxda ka dhisan Horyaalka dalka France ee Paris Saint-Germain,
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka France ayaa xili ciyareedkaan kusoo bandhigaya qaab ciyaareed wanaagsan kooxda Magaalada Madrid kadib ka dhisan markii uu xili ciyaareedkaan u dhaliyay 19-goal kadib soo muuqasho 30-kulan ah,
Sidoo kale Antoine Griezmann waxaa sidoo kale xiiseenaysa kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea oo la dhacsan qaab ciyaareedkaan laacibka reer France,
24-jirkaan ayaa waayahaan Hormar wanaagsan ka sameynaya Horyaalka dalka Spain tan iyo markii u usoo dhaqaaqay kooxda Atletico Madrid

