Professor Samatar:- Doorashada Soomaliya Ka Dhacaysa Waxay Noqon doontaa Nidaamka 4.5 + Dhageyso

0

Professor Axmad Ismaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanada Soomaliyeed oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa ka hadlay shirarka loogu hadlaayo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Professor Axmad Ismaciil Samatar oo mar soo Noqday Musharax u Taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa sheegay in Madaxda dowlada soomaliya ay cadaaadis kala kulamayaan beesha caalamka oo ku aadan in shirka Lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya qodobana laga soo saaro. Si loo horgeeyo golaha amaanka ee qaramada midoobe kulanka ay ku yeelan doonaan, Mareykanka,

Waxa uu Tilmaamay Professor Axmad Ismaciil Samatar in Madaxweynayaasha   Maamulada puntland iyo Jubada-land  C/wali Maxamed cali Gaas iyo axmed Maxamed Islaam ay beeshada Caalamka ku cadaadisay  in ay aqlaaan doorashada soomaliya ka dhacaysa in lagu saleeyo nidaamka 4.5-ayna ka  tagaan nidaamka ay ku rabaan doorashada ee heer degmo,

Dhanka kale waxa uu sheegay in Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay isku af-garan doonaan in doorashada soomaliya ka dhacaysa lagu saleeyo Nidaamka 4.5, oo laga tago nidaamka heer degmo.

Hadalka Professor Axmad Ismaciil Samatar ayaa kusoo beegmaya xili Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalk ka jira ay isku Fahmi la’yihiin nooca doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here