Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa Maanta kormeer ku Tagay saldhigyada ciidamada xoogga dalka soomaliyeed iyo kuwa Maamulka Juba-land ee Gobolka Jubada Hoose,
Kormeerka maadxweynaha maamulka Juba-land axmed Madoobe waxaa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaliyeed iyo saraakiil ka Tirsan ciidamada Midowga Africa ee amisom iyo Kuwa Maamulka Juba-land,
Madaxweynaha ayaa Ugu Horeyn Kormeerkiisa ka bilaabay Xerada 43aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, halkaa oo uu kula hadlay boqolaal katirsan Ciidamada xoogga dalka soomaliyeed qaybta Jubbaland oo dhawaanahanba uu Tababar u socday.
Mudane Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo Hadalo dar-daaran ah u jeediyay ciidamada xoogga dalka soomaliyeed iyo kuwa Maamulka Juba-land ayaa ku wargaliyay in dhawaan uu bilaaban doono Howlgalka Gobolada Jubooyinka iyo Gedo loogu saarayo Xarakada al-shabaab,
Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam ayaa balan qaaday in la bixin doono darajooyinka ciidamada isla markana la dalacsiin doono sarakiisha hogaamin doonta hawlgalada dhawaan Bilaabanaya.













