Barcelona oo Xaqiijisay Taam ahaanshaha Xidiga Lionel Messi

0

Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa xaqiijiyay in laacibka Lionel Messi uu diyaar u yahay kulanka ay wajihi doonaan kooxda Malaga, ee Horyaalka dalka Spain,

Laaciba heerka caalami ee xulka dalka Argetine ayaa dhaawac ahaan loogu saaray ciyaartii ay ka adkaadeen kooxda Athletic Bilbao ee Horyaalka dalka Spain wuxuuna sidoo kale seegay ciyaartii  ay isla kooxda Athletic Bilbao la ciyaareen koobka Boqorka dalka Spian ee Copa del Rey.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa u wici doonto daafaca heerka caalami ee xulka dalka  France ee Jeremy Mathieu madaama uu dhaawac yahay xidiga Jordi Alba oo daafaca ka ciyaara.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here