Wariye Macalimow oo ku dhaawacmay Weerarkii Caawa ka dhacay Hoteel Liido

0

Wariye Maxamed Ibraahim Macalimow oo kamid ahaa wariyaashii Horey ula soo shaqeeyay Laanta Afka soomaliga ee Bbc-da ayaa caawa ku dhaawacmay weerarkii iyo qaraxyadii ka dhacay Hoteel ku yaala xeebta Liido ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir,

Waxa uu kamid ahaa dad shacab ahaa iyo iyo mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsanaa oo ku sugnaa Hoteelka waxaa haatan la sheegayaa in dhaawiciisa la geeyay Mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo,

Wali waxaa la Hubin Tirada Rasmiga ah ee ku dhimatay ku dhaawacmatay weerarka caawa ka dhacay Hoteelka Liido iyadoona weerarkaan ay sheegteen al-shabaab,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here