Kadib markii shalay uu Magaalada Jowhar ka Furmay wajiga Labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayaa waxaa soo baxaya sida beelaha labada gobol loogu qeybiyay xubnaha Odayaasha soo xulaya ergooyinka
Qaar kamid ah Odayaasha ku sugan Magaalada Jowhar oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la isku af-gartay qaabka loo qeybsanayo beelaha labada gobol. ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,
Dhanka kale odoyaal kale oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ku eedeeyay in uu si af-duub ahaa u keenay Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe si ay ugu qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Halkaan Hoose ka akhriso
ABGAAL——————- 15-XUBIN
XAWAADLE————– 15- XUBIN
GAALJECeL————— 6-XUBIN
GUGUNDHABE——— 6-XUBIN
JAREERWEYNE——– 6-XUBIN
HABARGIDIR———– 5-XUBIN
UDEEJEEN————- 2 XUBIN
MOOBLEEN———— 2 XUBIN
DIR———————– 2 XUBIN
SHIIKHAAL————- 2-XUBIN
REER OWXASAN———2-XUBIN
HILIBI————————-2-XUBIN
YAXAR—————— ——-2-XUBIN
CARAB———————— 1-XUBIN

