Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maanta kusoo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii ay kasoo qeyb galeen caleema-saarka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Wafdiga Madaxweynaha ay Kamid ahaayeen Wasiiro, iyo xildhibaano ayaa galinkii dambe ee Maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho iyadoona Garoonka Diyaaraha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde ay kusoo dhaweeyeen xubno dowlada soomaliya ka Tirsan,
Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay Xaflada Caleema-saarka gudoomiyaha ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa ku bogaadiyay Gudoomiyaha cusub in in la Yimaado shaqo wanaagsan iyo ka shaqeynta cadaalada ,

