Paulo Dybala:- Waa Weeraryahan Cajiib ah Gonzalo Higuain’

0

Weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa la dhacsan qaab ciyaareedkaan weeraryahanka kooxda Napoli Gonzalo Higuain’ uu xili ciyaareedkaan  sameynayo,

Higuain ayaa dhawaan dhaliyay goolkiisa 20-aad isagoona kooxda Napoli kasoo muuqday 20-kulan  oo xili ciyaareedkaan waana mid kamid ah weeraryahanada ugu dhalinta badan Horyaalka dalka Talyaaniga,

Paulo Dybala oo dhawaan Juventus kaga Yimid kooxda Pelermo ayaa waayo fiican xili ciyaareedkaan ku qaadanaya kooxda Juventus isagoona shalay dhaliyay labo gool oo kamid ahaa 4-gool ay kooxda juventus ka adkaatay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here