Dowlada Imaaraadka Carabta oo Maanta Gaadiid Ciidan ku Wareejisay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya + Sawiro

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  ku wareejisay Gadiid dagaal oo loogu Talagalay ciidamada,

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cuthman ayaa maanta 10-baabuur oo isugu jirta Gaadiidka Ciidanka, Ambalaas, hal gaari oo Booyad ah iyo hal gaari oo ah nuuca aysan rasaasta karin kuwareejiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofgur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kadib xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ugu Horeyntii Safiirka  Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cuthman oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in qalabka malatari loogu Talagalay sidii loogu qalabeyn lahaa  ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan  oo xaflada qalab qareejinta ka Hadlay ayaa kaga Mahadceliyay dowlada imaraadka Carabta sida ay ugu go’an tahay Taageerida maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.

Dowlada imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowlada inta Badan Taageera dowlada soomaliya iyo dowlada Goboleedyada dalka ka Jira

12511304_1198142526880393_1580479192_o 12544256_1198142433547069_1572064026_o (1) 12544256_1198142433547069_1572064026_o 12544678_1198142420213737_806122161_o 12544693_1198142406880405_212175874_o 12591801_1198142366880409_1783212189_o 12562698_1198142343547078_2097739268_o 12562330_1198142410213738_1604912607_o 12556970_1198142430213736_1784113351_o 12545827_1198142540213725_399530120_o 12545823_1198142370213742_1101463030_o 12544881_1198142416880404_1059590390_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here