Shirweynihii Wadatashiga Qaran ee Kismaayo kasocdey oo Natiijo la’aan Ku soo dhamaaday

0

Shirweynihii Madasha Wadatashiga Qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Magaalada Kismaayo  iyadoo aan wax natiijo ah oo rasmi ah laga gaarin qodobadii laga kala aragti duwanaa ee ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi karta sannadkan 2016-ka.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka ay Madaxda Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ahi ka dagganyihiin magaalada Kismaayo ku sheegay in mudadii ay madaxdu ku sugnaayeen magaalada Kismaayo Shirarkii ay yeesheen wax baxadan la is kaga  soo dhawaadey halkii markii hore lakala joogey dadaallo badan oo la sameeyey daraadood.

“sidaad ogsoontihiinba shirkii kabilowday halkan xalkana loogu raadinayey hiigsiga 2016-ka iyo sidii looga gudbi lahaa muddada dhammaanaysa looga gudbi lahaa runtii meel wanaagsna ayaa lasoo gaadhsiiyey, runtii hadda meeshii aan joogney waan isaga dhownahay”ayuu yiri Dr.Sharma’arke.

Ra’iisul-wasaare Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in ay weli harsan yihiin waxyaabo u baahan in si farsamo ah loo xalliyo taasna dib loo dhigi doono isla markaasna ay dawladdiisu iclaamin doono xilliga laga wada hadlayo in meesha looga wada hadlayaba.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here