Madaxweynaha ku-xigeenka Galmudug oo Maanta Furey kalfadhiga Labaad ee Baarlamanka Galmudug

0

Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa maanta ka Furmay magaalada cadaado ee caasimada Kmg-ga dowlada Goboleedka Galmudug.

Waxaa kalfadhiga Labaad ee xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug Furey Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, waxaana munaasabadda furitaanka ka qaybgalay guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir labadiisa ku-xigeen iyo Xildhibaanada oo ka soo laabtay fasax laba bilood ah.

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Furitaanka hadal kooban ka jeediyay ayaa u sheegay xildhibaanada baarlamanka Maamulka Galmudug in ay horyaalaan shaqooyin iskugu jira sharciyada iyo maamulka isagoona xildhibaanada ugu baaqay in kulamada baarlamanka Maamulka Galmudug ay soo xaadiraan,

Furitaanka kalfadhiga 2-aad ee baarlamanka Maamulka Galmudug waxaa  lagu hordhaariyay, Xildhibaanno cusub, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug iyo Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada oo aan horay loo dhaarin.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada ay ku guuleysatay arrimo badan intii  ay xirnaayeen kulamada Baarlamanka maamulka Galmudug,

Dhanka kale  Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa warbaahinta la hadlay furitaanka kadib ayaa sheegay in dhawaan la Furi doono dekedda magaalada Hobyo,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here