Dibadbax Xoogan ay kasoo qeyb galeen ardey Gobolka Banaadir iyo xubno dowlada soomaliya ka Tirsan ayaa Maanta ka dhacay taalada Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere.
Dibadbaxa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho,
Wasiirka waxbarahada ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadra Bashiir Cali oo dibadbaxa hadal kooban ka jeedisay ayaa sheegtay in wasaarada waxbarashada soomaliya ay ku guuleystay hirgalinta barnaamijka aada Dugsiyada oo dhawaan la Hirgaliyay waxayna shacabka soomaliyeed ugu baaqday in ardayda Lagu dhiiri Galiyo waxbarashada,
Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte qaalib oo kulanka gaba-gabadiisa ka Hadlay ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada xukuumadda soomaliya ay ku guuleysatay hirgalinta barnaamijka aada Dugsiyada isagoona sidoo kale Tilmaamay in qofkasta soomali ah ay waajib ku tahay in uu gacan ka geysto sidii kor loogu qaadi lahaa afka Hooyo.
Dhawaan waxaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka soomaliya laga xusi doonaa xuska afka soomaliga.

