Qaramada Midoobe ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii shalay Lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom ay ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka gedo ee Koonfur Dalka soomaliya.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon oo war qoraal ah xafiiskiisa kasoo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay al-shabaab ku qaadeen saldhiga ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde oo 60-km u jira Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo,
Warka sidoo kale kasoo baxay Qaramada Midoobe ayaa Lagu sheegay In qaramada Midoobe ay mar walba garab taagan Tahay dowlada soomaliya iyo ururka Midowga Africa ee amisom,
Dhanka kale Al-shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada uu ku qaadayo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Midowga Africa ee amisom iyo kuwa dowlada soomaliya iyagoona weerarkii shalay ku sheegay in ay ku dileen ku dhawaad 60-askari oo kenyaan ahaa,

