Dad badan oo ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Hotel ku yaalo dalka burkino faso.

0

Koox aad u hubeysneed oo aan heebteeda lagaranin ilaa haatan  ayaa weeraratay hotel ay daganaayeen dalxiisayaal  reer galbeed ah . oo ku yaala caasimada dalka burkino faso.

Hotelka oo ku yaalo caasimada ogadogo ee dalka burkino faso ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 ruux. oo ah dalxiisayaal u dhashtay reer Galbeedka.

Dableyda ayaa sidoo kale waxaa u suurta gashay in afduub ahaan ay u ka xeystaan in ka badan 30 ruux oo hotelka ku jiray.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo iyo rasaas toos ah oo dableydu adeeg saneysay.

Dhanka kale Wasaarada arrimaha dibada dalka burkino faso ayaa sheegtay in dad badan oo wasiiro ku jiray ay ciidanka amaanka goobtaasi kasoo badbaadiyeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dableyda loo maleenaayo kooxda alqaacida xiriir la leh oo lagu magacaabo maqrib in weerarka ay ka dambeeyeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here