Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxaa lagu waday in Maanta uu ka dhaco Maalintii labaad Shirka looga hadlaayo aayaha doorashooyinka Dalka Soomaaliya hasa ahaatee maanta wax shir ah magaalada Kama jiraan Sababo badan oo jira.
Wararka Kismaayo inagasoo gaaraya waxaa ay sheegayaan in maanta magaalada ay ka dhaceen Kulamo gaargaar ah oo ay leeyihiin dhinacyada Soomaalida ee halkaasi jooga,waxaana kulamadaasi ay yihiin kuwo diiradda lagu saarayo qaabka ay ugu fudud ee ay isku fahmikaraan madaxda kuwada sugan magaalada Kismaayo oo iyagu shir looga hadlaayo aayaha Soomaaliya islamrkaana aysan goobjoog ka ahayn beesha caalamku markii ugu horaysay ku leh Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada hosse.
Waxaa jooga Magalada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh,Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ,Ra’izalwasaraha Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali iyo dhammaamba hogaamiyayaasha Maamulgoboleedyada dalka ka jira oo iyagu Kismaayo u jooga sidii go’aan midaysan ay uga qaadanlahaayeen nuuca iyo qaabka doorashada madaxtinimada dalka ee lagu wado in bartamaha Sannadkan ay dalka ka dhacdo,balse waxaa dad badan ay mugdi galinayaan gaaridda go’aan isku mid ah oo aan muran lahayn oo dhinacyada Soomaalidu ay ka qaataan habka doorashada dalka Maadaama ay hadda socdaan qorsheyaal is xulafeysi ah oo u dhexeeya dhinacyadaasi oo midba uu doonayo in la qaato nidaamka iyo rabitaankiisa waxaana ay yihiin waxa la isku haysto in doorshadu ay ku dhacdo Hab deegaan iyo in ay ku dhacdo sidii Soomaalidu ay wax ku dooranjireen ee 4.5.
Magaalada Muqdisho,Magaalooyinka kale ee dalka iyo dalka dibaddiisa ayaa waxaa dhawr mar ka dhacay Shirar la mid ah midkaan kismaayo ka furan loogana hadlayey isla mowduuciisa mana jiraan qodobbo iyo natiijo wax ku ool ah oo lagasoo saaray Shirarkaasi,Shirkaan ayaana ah kii ugu dambeeyey ee gudaha Dalka ka dhaca Doorashana looga hadlo waxaase lagu ballansanyahay in midka Xiga Shirkaan uu ka dhaco dalka Turkiga waana kulankii ugu dambeeyey ee looga hadlaayo arimaha doorashada dalka waxaana haddii ay go’aan ku gaari waayaan dhinacyada Soomaalidu shirka uga socda Kismaayo ay dantu qasbaysaa in beesha caalamka oo gaara intabadan go’aanada dalka ay iyagu go’aan aan ka imaan Soomaali isku tagtay ay usoo dhiibaan madaxda Soomaalida.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo isugu jira Siyaasiyiin,Waayeel,Culumaa’uddiin,Cuqaal iyo dad kale ayaa isha ku haya arinta kismaayo ka socota oo ay beesha caalamku ka xanaaqday Soomaalidana kaligood laysaga tagay,waxaana dadkaasi rajo u yeelikara haddii madaxda Soomaalida ay soo gaaraan go’aan ay isku raacsanyihiin iyadoo beesha caalamku aysan la joogin taasi oo dad badan ay aaminsanyihiin in ay tahay haddii ay dhacdo guul usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed balse haddii xaalku uu kusii Socdo arinta hadda kasoo ifbaxaysa Kismaayo ee ah kala shiridda iyo isxulufeysiga ayaa waxaa suuragal ah in rajada dadka soomaalida lagu jabiyo “WAAD TASHAN WEYDEENE WAA LA IDIIN TALIN”

