Madaxweyne Xasan shiikh Maxamuud oo Maanta Gaaraya Magaalada Kismaayo

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maanta la Filayaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ,

Madaxweynaha ayaa Mudooyinkii dambe lagu waday in uu gaaro Magaalada Kismaayo si uu Halkaas ugu Furo shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,

Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe isagoona halkaas ka Furey shirka Maamul u sameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo mudooyinkii dambe hakad ku imaanayay,

Dhanka kale amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamada ilaalada Madaxweynaha soomaliya soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ay shalay gaareen Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose,

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke, Gudoomiyaha baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari  iyo madax kale kuwasoo dhawaan halkaas gaaray.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here