Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa haatan kulamo kula leh Magaladaas madaxda ka qeyb galaysa shirka lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka
Madaxweynaha ayaa shirar gooni gooni ah la leh Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka soomaliya ka jira sida Galmudug, puntland, Koonfur Galbeed somaliya, juba-land, Raisulwasaaraha soomaliya cumar C/rashiid cali sharmarke iyo Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh Jawaari.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Maalinta bari ah.

