Askari ka Tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo La dilay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo Hubeysan ay Magaaladaas ku dileen askari ka Tirsan ciidamada booliska dalka Kenya,

Askariga La dilay ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu ku sugnaa Magaalada Mombasa waxaa laga laga qaatay qoriga uu watay iyo lacag yar oo xiligaas ku jiray mid kamid ah jeebabkiisa,

Kooxihii dalka ka dambeeyay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana haatan ka socda Gudaha Magaalada Mombasa baaritaano ay sameynayaan ciidamada amaanka dalka Kenya oo lagu doonaayo in lagu qabto ragii ka dambeeyay dilka,

Ilaa hada ma jirto sheegatay mas’uuliyada dilka askariga ka Tirsanaa ciidamada booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here