Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa Maanta si Rasmi ah u Furey shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Munaasabadda Furitaanka shirkaasi ayaa waxaa ku sugnaa ergooyin matalaya labada gobol,siyaasiyiin,aqoonyahano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan,Xildhibaanno,wasiiro,iyo marti sharaf kale.
Madaxdii gooobta ka hadashay waxaa kamid ahaa wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda soomaliya C/raxmaan maxamed xuseen odawaa oo balan qaaday in dowlada soomaliya ay dhameystiri doono shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha,
Sidoo kale waxaa Furitaanka ka Hadlay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin xuseen Guuleed oo ugu baaqay shacabka daga labada Gobol In ay ka shaqeyaan dhismaha maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya oo Furitaanka Hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in muhiimada shirka uu yahay Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday in dowlada ay ka shaqeyneyso sidii loo dhameytiri lahaa dhisida maamulka labada gobol ayna fududeyneyso wax walbo oo fududeyneya dhismaha maamulka.










