Laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Ivan Rakitic ayaa cadeeyay in uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Barcelona, ee Horyaalka dalka Spain,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Croatia ayaa Barcelona kaga Yimid kooxda Sevilla June 2014 isagoona kooxda ka caawiyay in ay qaado ilaa 5-koob uu ugu dambeeyay koobkii Club World Cup,
Iskastoo uu Rakitic heshiiskiisa kaga dhiman yahay 3-sano waxa uu sheegay in uu aad u jecel yahay nolosha kooxda Barcelona isagoona sheegay in uu waqti badan sii joogi doono kooxda Barca.

