Guddoomiyaha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir Axmed Max’ed Muumin ayaa ka hadlay qaraxii xooganaa gaariga ku xirnaa ee saakay ka dhacay Gudaha degmada shibis .
Mudane Axmed Max’ed Muumin Guddoomiyaha Degmada Shibis waxa uu sheegay in qaraxa uusan geysan qasaaro aad u fara badan kaliyah ay wax ku noqdeen labo qof oo saarneed gaariga qarxay.
Gudoomiyaha degmada shibis Axmed Maxamed Muumin, wuxuu tilmaamay dadka aanan laga aqoonin Degmada shacabka in looga fadhiyo inay soo sheegaan si dadkaasi ciidamada ammaanka ay u qabtaan, kadibna Baaris loogu sameeyo,
Dadka shacabka ah ee ku Nool Gudaha degmada shibis waxa uu ugu baaqay in la shaqeeyaan Maamulka iyo ciidamada amanka si degmada shibis ay ugu mid Noqoto degmooyinka ugu amni wanaagsan Gobolka Banadir,
Saakay ayay aheyd markii qarax xoogaan oo gaari ku xirnaa uu ka dhacay Gudaha degmada shibis ee Gobolka Banaadir waxaana wax ku noqday Labo qof oo saarneed gaariga qarxay.

