Waxaa maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan ku yeeshtay Guddiyada dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka soomaaliya ayagoona dib u eegis ku sameeyay 10 cutub oo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka,
Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda dastuurka ee dalka iyadoona ay ka qeyb galeen Madax ka Tirsan dowlada soomaliya iyo Guddiyada dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka soomaaliya
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia mudane Jeylaani Nuur Iikaar, wasiirka dastuurka ee XFS mudane Xuseen Maxamuuud Sheekh Xuseen iyo safiirka DFS u fadhiya dalka Kenya amb Jamaal Maxamed Xasan. Ayaa kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay,
Safiirka DFS u fadhiya dalka Kenya amb Jamaal Maxamed Xasan. Oo hadal kooban kulanka ka jeediyay ayaa ku amaanay Guddiyada dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka soomaaliya qaabkey u shaqeynayaan isagoona sidoo kale ugu baaqay In ay meeshooda kasii wadaan Howlaha.
Guddoomiyaha guddiba madaxa banaan ee dastuurka dalka Xasan Xaaji iyo wasiirka wasaaradda dastuurka ee XFS Xuseen Maxamuuud Sheekh Xuseen ayaa Tilmaamay in waxyaabo badan ay ku guuleysteen inta ay shaqeynayeen Guddiyadaan,
Ugu dambeyntii waxaa kulanka hadal kooban ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia mudane Jeylaani Nuur Iikaar isagoona sheegay in dhawaan baarlamanka soomaliya la horgeyn doono dastuurka dalka,





