Ciidamo ka Tirsan kuwada Dolwada Soomaliya oo ku dagaalamay degmada Baandheere

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo qilaaf uu soo kala dhaxgalay,

Dagaalka ayaa Yimid kadib markii ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ay weerar ku qaadeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ku sugnaa saldhiga degmada Baandheere ee Gobolka gedo,

Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa la Tilmaamayaa in ay ka xumaadeen dil ay sheegeen in ciidamada kale ay u geysteen sarkaal la sheegay in dhawaan uu kasoo goystay ciidamada al-shabaab oo lagu magacaabi Jirey Faarax Cali Cabdi (Hariye),

Faarax Cali Cabdi (Hariye), Faarax ayaa bilowgii sanadkii 2015-ka isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jirta Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garbahaarey.

Inta la xaqiijiyay dagaalka waxaa ku dhintay Hal Askari waxaana ku geeriyooday Tiro kale oo ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya,

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here