Milkiilaha kooxda Chelsea ninka reer Russia Roman Abramovich ayaa la tilmaamayaa in shaqada kooxda Chelsea u dhiibi doono macalinka kooxda Atletico Madrid Diego Simeone sida ay daabacayaan majaladaha ingiriiska,
shaqada kooxda chelsea waxa xiligaan si kmg-ga ahaan u haya macalinka reer Holland Guus Hiddink kasoo dhawaan shaqada kooxda Chelsea ka badalay Macalin Jose Morinho oo dhawaan laga ceyriyay shaqada,
Dhanka kale macalimiinta shaqada kooxda Chelsea lala xiriirinaayo waxaa kamid ah Pep Guardiola iyo macalinka kooxda Manchester City’s Manuel Pellegrini. Oo dhankiisa shaki la galinaayo mustaqbalkiisa kooxda city,

