Xidiga qadka dhexe ee kooxda Beyer Munich ee dalka Germalka Xabi Alonso ayaa ku Tilmaamay midka dunida ugu wanaagsan macalinka dhawaan ka Tagi doona kooxda Beyer Munich Pep Guardiola.
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa Pep Guardiola ku Tilmaamay midka ka wanaagsan macalinkii Hore ee kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti, oo dhawaan qaban doona shaqada kooxda Beyer Munich,
Pep Guardiola ayaa dhawaan shaaciyay in uu ka dhaqaaqi doono kooxda Beyer Munich isagoona lala xiriirinaayo kooxaha Horyaalka dalka Ingiriiska taasi badalkeeda waxaa shaqada kooxda Beyer Munich la wareegi doona ninka reer Talyaani ee Carlo Ancelotti,
Alonso ayaa kasoo hoos ciyaaray macalin Carlo Ancelotti, waayihiisa kooxda Real Madrid ka hor inta uusan usoo dhaqaaqin Horyaalka dalka Germany,

