Xidiga qadka dhexe ee weerarka kaga ciyaara kooxda Beyer Munich Mario Gotze ayaa meesha ka saaray in uu xili ciyaareedkaan usoo dhaqaaqayo dhanka Horyaalka dalka Ingiriiska gaar ahaan kooxda Liverpool,
Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa xili ciyaareedkaan lala xiriirinayaa xidigii Hore ee kooxda Borussia Dortmund Mario Gotze aan booska joogtada ah aana ka haysanin kooxda Beyer Munich,
Agaasimaha ciyaaraha kooxda Beyer Munich Matthias Sammer ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in kooxda Beyer Munich ay xili ciyaareedkaan fasixi doonto xidiga heerka caalami ee xulka dalka Germany

