Dhageyso:- Maamulka Ahlusuna oo sheegay In ay Tixgalin doonaan Waxyaabihii ay isku Af-garteen Gudoomiyaha Baarlamanka

0

Maamulka ahlusuna waljameeca oo Gobolada dhexe ayaa sheegay in ay tixgalin doonaan waxyaabihii ay isku af-garteen Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari oo dhawaan gaaray Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud,

Madaxweyne ku-xigeenka Labaad ee Maamulka Gobolada dhexe ee ahlusuna Cabdulaahi xersi Diirshe Pro Daacad  oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay tixgalin doonaan qodobo ay ku heshiiyeen gudoomiyaha baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari,

Gudoomiyaha baarlamanka soomaliya pro:-Maxamed sheikh cusmaan jawaari,Ayaa dhankiisa sheegay in dowlada soomaliya ay ka shaqeyn doonto sidii la iskugu keeni ahaa dadka soomaliyeed ee colaada ka dhaxeyso sida maamulada dalka soomaliya ka jira,

Dhanka kale gaarista Gudoomiyaha baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari ee Magaalada dhuuso Mareeb waxaa cambaareeyay Maamulada Juba-land iyo galmudug oo ku tilmaamay mid laga fiicnaa,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here