Hay’adaha ammaanka Dowladda Somaliya, ayaa waxa ay soo bandhigeen laba nin oo la sheegay in ay ka dambeeyay dilkii Magaalada Muqdisho dhawaan loogu geystay wariye Hindiya Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda. iyo Radiyaha dowlada,
Labada Nin ee Lasoo bandhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay C/risaaq Maxamed Barrow (Macalin Maxamed) iyo Xasan Nuur Cali (Sheekh Aweys). Waxayna labada shaqsi ay qirteen in ay ka dambyeen dilkii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay wariye Hindiya Xaaji Maxamed.
C/risaaq Maxamed Barrow waxaa gacanta lagu soo dhigay 5-tii December, halka Xasan isna la soo qabtay 6-dii December. Labaduba waxay Nabad Suggidu u sheegeen in ay ku lug leeyihiin dilka Suxufiyadda.
Dhanka kale C/risaaq Maxamed Barrow waxa uu wareysigiisa ku sheegay in uu ka codsanayo dowlada soomaliya in la cafiyo isagoona balan qaaday in dowlada soomaliya uu ka caawin doono soo qabashada raga dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho,








